Arag Sawirrada: Cabdi Weli Gaas oo boorsooyin iyo ciidamo farabadan kala soo degay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo kasoo duulay magaalada Garoowe.

Wafdiga uu hogaaminaayo C/weli Gaas ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Waxbarashada, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku-xigeenada Maaliyada iyo Qorshaynta iyo Wasiirudawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Gobollada iyo Wasiirudawlaha Caafimaadka Puntland.

Waxaa Mas’uuliyiinta ku wehlisa safarkiisa kamid ahaa Xildhibaano farabadan oo iyaguna la filaayo inay ka qeybgalaan Shirka wadatashiga aayaha Somalia oo ka furmaayo Magaalada Muqdisho.

C/weli Gaas oo garoonka kula hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay inay ka qeybgalaan shirka, balse ajandaha uusan ugu jirin inay ka tanaasulaan mowqifkooda Siyaasadeed.

Waxa uu sheegay inaan aqbali doonin wax aan u cuntameynin shacabka Puntland, waxa uuna sheegay in shirka uu kala laaban doono guul.

C/weli Gaas ayaa inta badan lagu bartay in Baahiyaha Qaranka uu ka hormariyo tiisa gaarka ah, waxa uuna ilaa iyo iminka ku goodinayaa in shirka lagu meel mariyo qodobo u cuntamaayo Maamulka, hadii kale uu isaga bixi doono.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

1

2

3

4

5

6

7

8

9