Sawirro: Muran ka taagan toogashadii Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in toogashadii shalay lagu fuliyay Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland loo fuliyay qaab aan sharciga loo cuskan.

Askarta la toogtay ayaa waxaa xukuntay Maxkamadda ciidamada ee maamulka Jubbaland waxaana la sheegayaa in laga helay qirasho ah in ay iyagu fuliyeen fal dil ah oo laba maalin ka hor ka dhacay Kismaayo.

Toogashada 7 Askari ayaa waxaa iminka ka dhashay muran ku saleysan dhanka qabaa’ilada, waxaana jiro warar sheegaya in dilka ragaasi looga dhex faa’iideysanaayay colaado Askartaasi kala dhexeeyay Taliyaha Ciidamada Militeriga Madaxtooyada Jubbaland, sida ay xogtu sheegeyso.

Sidoo kale, xogta waxa ay intaa kusii dareysaa in Ragga la dilay ay ku heeb yihiin Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe taasina ay shaki aburtay.

Salaadiinta ragga la toogtay ayaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku eedeynaya in ay ku deg degtay fulinta xukunkan, sidaa awgeedna ay Maxkamadu ku tumatay sumcada iyo sharciga.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Maamulka ay iyaguna ku dhawaaqen shaqo joojin kadib markii loogu goodiyay inay mari doonaan wadadii la mariyay 7 Askari.

Ciidamada Shaqo joojinta ku dhawaaqay ayaa ku doodayo in toogashadii dhacday si qaldan loo xukmiyay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12