CABDI WELI GAAS SOOMAALI MA YAHAY..?!!!

Waa su’aal madaxa daalineysa dadkuna aysan fileyn in qof ku magacaaban Madaxweyne gobol in wadaniyadiisa shaki la geliyo. Su’aashan waxa dhaliyay hab-dhaqanka foosha xun oo rakhiista ah uu Cabdiweli caadeystay. Marki loo doortay madaxweyne-ku-sheega Puntland wuxuu ismooday inuu cid waliba ka sarreeyo, wuxuu la soo baxay kibir iyo isla weyni, kibirkana culumada ka hadashay waxay ku tilmaameen CALAMATUL JAHLI, Talyanigana wuxuu yiraa ”La prepotenza segna dell’ignoranza”. Wuxuu aaminay inuu siduu doono u hadli karo, qofkuu doono aflagaadeyn karo wax ka xaaraan ahna aysan jirin, ilaa uu gaaray heer uu wax kasta oon asaga ka imaan uu caarido kana soo horjeesto.

Nasiib darro, C/weli ma dareensana ilaa iyo hadda inay joogaan Puntland dad asaga ka wadanisan, ka aqoon badan kana karti badan, laakin ka xishoonaya inay u dhaqmaan sidiisa oo kale.

Su’aasha cinwaanka jawaabteeda waa inuusan shaqo ku lahayn Somalinnimo, tani micnaheedu ma ahan inuu u dhaartay calan kale uuna sito baasaboor dal kale, balse waa inuu ka soo horjeedo wax kasta oo dan u ah dalkaan iyo dadkaan. Wuxuu mar kasta ka shaqeeyaa in aan marna la heshiin, wadahadal wax ku ool ahna la yeesho, lagana tashado sidi dalka loo hormarin lahaa oo mustaqbalka ummadda looga tashan lahaa.

Runtii waa arrin aad loogu farxo inuusan Cabdiweli ka soo qayb gelin shirka ka dhacaya Xamar, waayoo joogitaankiisu waa carqalad ku hor gudban in laga arrinsado mustaqbalka dalkaan. Waxaa jira tiro aan yareyn oo isaga oo kale ah waxayna si caddaan ah uga soo horjeedaan in Somaliya ay tashato oo ay si uun isu afgarato, kuwaasoo badi dibadaha ka yimid, sidi isaga oo kale, oon marna dan u heynin ummaddaan…kuwa aan ka hadleyno waa kuwa barlamaanka ku jira iyo qaar website-yo wax ku soo qora ama ka hadla raadiyaasha iyo TVyada loo adeegsado hagardaamada Somaliya.

Ninki la yiri mustaqbalka dhaw ee Somaliya ayaa laga hadlayaa oo diiday inuu ka qayb galo ama yimaado madasha dalkaan uma dhalan danna uma haayo ee ha laga tashado intey goori goor tahay. C/Weli waa ka soo horjeedaa inay dhalato dowlad goboleed aan jufadiisa ahayn, wuxuuna ku dadaalaa in kuwa hadda la dhisay ay dumaan oo dagaal dhexdooda ka qarxo, waana tan uu ka shaqeynayo saacad kasta in gobollada dhexe aysan dowlad ka dhismin, hamigiisuna waa Mudug inuu laba gobol u qaybsamo, waayoo tuuladi uu ku dhashay ayaa ku taallla. Waa nin jecel in Xamar lagu kala cararo oo aysan degganaan iyo nabadgelyo marna helin dadka ku nool oo ay aad u neceb yihiin isaga iyo saaxibadiis.

C/weli Gaas waa in laga mamnuucaa inuu weligii Xamar yimaado, hadduu soo galana waa in la xiraa isaga iyo wixi la fikir ahba, waayoo waa cadaawo nagu dhyex nool oo jecel in dalku dumo haddeysan iyagu ka talin…wuxuu raadinayaa in dhaqaalaha dalka afka ciidda gashto kaddib markuu soo daabacay lacag been-abuur ah oo qaybinteeda uu billaabay kaddib markuu geeyay Kismaayo, Xamar-na laga yaabo inuu u soo dhiibo dadka aan la fatashin, sida Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka oo ka mida dadka uu ku addeeegto…waryaa ninkaan ila arka!!..waa hubaa in dad badan ay arkayaan waxa uu ku kacaayo laakin ay iska aamusan yihiin waayoo waa dad xishooda, hab-dhaqanka C/weli waa wax aan laga xishoon karin una baahan in la wada arko lagana hortago hagardaamada uu dalkan u horssedi rabyo…waayoo waa cadaw..wa tuu ILAAHEY subxaanahu wa tacaalaa ku yiri Abuunaa Aadam ” Sheydaan waa cadawgaaga ee cadaw ka dhigo”

DIGNIIN ku socota reer Puntland: C/weli Gaas iska qabta wuxuu idiin abuurayaa cadaw meel kasta ay Soomaali joogto ”he is good in creating and collecting enemies”!!!

Cabdiweli waa cadaw ee sidaas u arka Somaliyey.

W/Q: Cali Mubarak

ali_mubarak1@outlook.com