Xog: Muungaab oo dagaal siyaasadeed ka wada Muqdisho xilli isaga iyo Xasan ay kala xijaabteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Mamaned Xuseen ayaa bilaabay olole siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu uga badbaado xil ka qaadis lagu wado in lagu sameeyo kadib markii ay isku dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muungaab ayaa taageero ka raadinaya dhammaan beelaha magaalada Muqdisho, wuxuuna dhowaan taageero ka helay beelaha Xamar iyo Xamardaye kadib markii kulan gaara dhex maray, beeshan oo raadineysay xilka Muungaab in la siiyo qof iyada kasoo jeeda ayaa markii danbe isu bedeshay inay taageerto Xasan Muungaab.

Lama oga waxa isbedelka keenay, waxayse warar xog ogaal ahi sheegayaan inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir taageero dhaqaale adeegsaday. Kulan beeshaasi ku taageereysay wax lagu sheegay waxqabadka Muungaab ayaa dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo malaaqa Xamar iyo Xamardaye Malaaq Cali iyo xubno kale oo beesha ka mida ay ka dhex muuqdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo culeyska ka heysta Mooshinkii laga keenay kasii yaraanayo ayaa qorshihiisa ugu horeeya ay ka mid tahay inuu xilka ka qaado Muungaab inkastoo qofkii lagu bedeli lahaa aanu hadda muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com