Video: Booliiska dalka Norway oo toogtay hooyo Somali ah iyo arrin yaab leh oo dhacday (Daawo)

Oslo (Caasimada Online) – Booliska magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa toogtay Hooyo Soomaaliyeed xili ay ku sugneyd gurigeeda dhexdeeda, kadib markii booliska lagu wargeliyay in ay gowrici rabtay ilmo yar oo ay dhashay, balse warar kala duwan ay kasoo baxayaan eedeyntaasi.

Mid ka mid ah dhalinyaradii Soomaalida ayaa sheegay in hooyadu ay mindi gacanta ku haysatay xiligii la tooganayay, balse isaga iyo dhalinyaro kale ay isku dayeen in ay ku qanciyaan hooyadaasi in ay mindida dhigto.

“Markii aan daaqada guriga ugu dhacnay, oo aan aragnay gabar yar oo qol dhex fadhido, daaqadana aan kasoo bixinay, kadibna indhaheenu qabteen hooyada oo balakoonka dhaqeysa, gacantana ku haysatay Mindi” ayuu yiri goob joogahaasi.

Wiilkaasi wuxuu sheegay in hooyada markii ay aragtay in dad aysan aqoon gurigeeda soo galeen ay kusoo carartay iyadoo mindida lasoo aaday dhalinyaradii Soomaalida, waxaana markiiba uu sheegay in goobta ay soo gaareen Seddax askari oo mid ay haweeney aheyd, halkaasina ay rasaastii koowaad ku rideen iyagoo ku qeylinaya istaag.

oslo-dilsomali-

“Markaan u galnay guriga ee gabadhii aan soo wadnay kadib ayaa u laabanay, noomana muuqaan qof cunugteeda qali rabtay, laakiin anaga markii ay na aragtay ayey aniga igu dharbaaxday mindida iyadoo igu cabsiineyso kuna qeylineysay qof aan aqoon siduu gurigeyga usoo galay, kadibna waxaaba maqalnay rasaasta oo booliska iska soo hor mariyay, waxayna ka haleeshay caloosha, dhulkana ku dhacday iyadoo ku qeylineysay Laa-ilaaha Illalaahu” ayuu yiri goob joogahaasi indhihiisa ku arkay hooyadaasi markii la tooganayay.

hooyo-dil-oslo-3

Hooyada ayaa dhaawaceeda loola cararay isbitaalka Ullevol ee magaalada Oslo, waxayna rasaasta ka haleeshay caloosha.

Dadweyne fara badan oo u badnaa Soomaali ayaa isugu soo baxay goobta falkaani uu ka dhacay gelinkii danbe ee Jimcihii.

oslo-dilsomali-3