Maxay ku dhacday in taliyaha Booliiska uu bishii qaato $100 kun, askartana ay gaajo la dhintaan?!

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo wajahay dhaqaale xumo baahsan oo sababtay in gacmaha la galaan darawalada gaadiidka ee isticmaala wadooyinka magaalada Muqdisho. taasoo lid ku ah anshaxa askarta iyo sumcada taliska Booliska Soomaaliyeed.

Askarta ka howlgasha magaalada Muqdisho, ayaa howlo amniga wax looga qabanaya ka fuliya degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo taageera ka helaya Taliska Booliska AMISOM, mana jirto mushaar ay qaadeen tan iyo markii lasoo magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xaamud, halka askarta booliska AMISOM, mushaar ahaan u qaataan 1200 Dollar bishiiba.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhaqaalaha ugu badan ugu soo xarooda hay’adda UNDP oo taageero ku bixisa mashaariicda Booliska Soomaaliyeed qabtaan sida barnaamijka dariseynta, far qorista iyo dhaqaalaha kale ee ku baxa tababarka booliska.

Askari Booliska waa astaan nabadeed, haddaan la helin boolis nadiifsan, wadani ah howshiisana u taagan inuu si daacad ah ugu soo baxo waxaa hubaal ah in amniga dalka uu hagaagi doono, haddiise askarigu baahan yahay oo dhacdhdaciisa badnaado ma sugi karo amni, waayo ma wuxuu raadinaa wixii uu ku noolaan lahaa mise kuwa nolol diidka ah ayuu shacabka ka ilaalinayaa?.

Jen.Maxamed Sheekh Xaamud, Taliyaha Booliska oo horay usoo noqday Wasiirka Gaashaandhiga ayaa wuxuu hadda mushaar ahaan u qaataa 100 Kun oo Dollarka Mareykanka, iyadoo u dheer tahay gunnooyinka nolol maalmeedka halka askarta booliska qaarkood guryahooda aysan shidneyn oo shaatiyada ku cadaaday, kuwaasoo wadooyinka taagan, qoraxdana ku dhaceysa si ay u hubiyaan amniga guud ee caasimada dalka iyo guud ahaan gobolada Soomaaliya.Jen.xaamud-1Waxaa xusid mudan in dhawaan taliska booliska Soomaaliyeed loogu deeqay qalab kala duwan oo u badan gaadiidka casriga ah ee Dowladda Japaan ugu talagashay in Booliska Soomaaliyeed lagu hormariyo iyo gaadiid kale oo Talyaaniga ku wareejiyay taliska Booliska, kuwaasii ay soo baxayaan in si qaldan loo maamulay, halka qaar kale shaqsiyaad loo gacan geliyay.

Howlaha Siminaarada booliska loo qabto oo ay taageeraan hay’addo caalami ah iyo dowladdaha daneeya Soomaaliya, ayaa iyagana noqdeen kuwa murunada ugu badan ka dhashaan, sidii loogu talagalayna u dhicin, taasoo mas’uuliyadeeda loo saariyo Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xaamud oo aqoon durugsan u leh howlaha ciidanka, hadana ma noqon sidii laga filayay markii loo magacaabay Taliska Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo xigtay dad xigto hoosaad ah in Taliyuhu uu xafiiska sare ee booliska laga xukumayay ku koobay xigtadiisa iyo asxaabtiisa, waxaana meesha ka dhex muuqda curudka uu dhalay oo dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka u qaabilsan.

Gunnaanadka qormadeyda, waxaa kusoo xerayaa horumar la’aanta dalka Soomaaliya, ka jirta iyo nidaam la’aanta baahsan ee soo jiray weligeedba, laga bilaabo Madaxweyne ilaa Agaasime,inta ay ku kacayaan caddaalad daro, musuq maasuq iyo nin jacleysi, una sii dheer tahay dantii Qaranka oo ay ka hor mariyaan danahooda ma jiri doonto horumar dhinac walba oo dalka iyo dadka gaaraan, asaagoodna gaaraan.

Qore: Cali Muxuyaddiin Cali
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com