Gaas, A/Madobe & Guuleed oo markale kulmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinta berito ah la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka looga tashanayo hanaanka doorasho ee ka dhaceyso Soomaaliya sanadka 2016, ayaa markale waxaa si toos ah isku arkaya madaxweynayaal maamul goboleed oo colaad afka ah uun ay ka dhaxeyso.

Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa markiisii labaad si toos ah u arkaya madaxweynaha Puntland tan iyo markii uu xilka Galmudug qabtay, xiligaasi oo uu bilowday khilaafka u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland C.weli Maxamed Cali Gaas oo aan taageersaneyn Guuleed ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho si uu kaga qeyb galo kulanka looga hadlayo nooca doorasho ee ka dhaceyso Soomaaliya sanadka 2016.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho si uu kaga qeyb galo shirka beri ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xubno ka socdo beesha caalamka ayaa sidoo kale la filayaa iney soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay kaga qeyb galaan shirka ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saari doono Road Map cusub oo sharaxaya qaabka doorasho ee ka dhaceyso Soomaaliya sanadka 2016.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com