Jubaland iyo reer Gedo oo la dhex-dhexaadinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa ku qulqulaayo Degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo.

Xildhibaanadaani oo dhowr jiho kasoo kala jeeda ayaa waxaa ujeedkooda lagu sheegay xal u raadinta ismari waaga u dhexeeya maamulkii here iyo kan cusub ee Maamulka Jubbaland u soo Magacaabay Gobolka Gedo.

Xildhibaanadaani ayaa iskooda isku xilqaamay si xal waara looga gaaro Khilaafyada sababay iska hor imaadka Maamulkii hore iyo kan iminka taagan.

Xildhibaanadaani gaaray degmada Garbahaarey, ayaa waxaa hogaaminaya Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, waxaana ay la kulmi doonaan dhinacyada siyaasadda isku haya Garbaaharey.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyahii hore ee Gedo iyo Iimaan Cadow Kaarshe oo ahaa gudoomiyahii Garbahaarey ayaa gabi ahaantoodba waxa ay diidan yihiin in xilalkaasi laga qaaday.

Madaxtooyada Somalia ayaan weli garan kaalinta kaga aadan xalinta Khilaafyada labada dhinac, waxa ayna taasi sababtay in Xildhibaanadu ay gartaan howl ay garanweysay Dowlada.

Tan iyo markii maamulka Cusub uu soo Magacaabay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa soo ifbaxay is qab qabsiga ku aadan dhinaca maamulka gobolkaasi iyadoo ay xusid mudantahay in masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Garbahaareey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com