XOG: Khilaaf xoogan oo ka dhex dhashay Xasan Sheekh iyo WASIIR DIINI (Maxaa la isku hayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada BF Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhextaagan yahay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Xildhibaanka oo kamid ah garabka taageersan Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Khilaafka uu yahay mid ka dhashay Xuquuqda Ciidamada Militeriga ee min Caasimad ilaa Gobolada dalka, kadib markii Madaxweyne Xassan uu hakin ku sameeyay Mushaaraadka Ciidamada Militeriga.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in hakinta Mushaaraadkaasi uu ula gol-leeyahay is bar-baryaac ka taagan Liisaska ay Ciidamada Mushaarka ku qaadan jireen, kadib markii Saraakiisha qaar ay bilaaben in Askarta dhimatay lacagahooda ay qaatan, halka Ciidamo dheeri ah oo aan Dowlada u diiwaangishney ay Liiska kusoo dareen.

Wasiir Diini ayaa isaguna ku doodaya in Ciidamada Liisaskooda la hubo lasii siiyo Xuquuqdooda, hayeeshee taasi uu Madaxweyne Xassan ku gacanseeray, iyadoona arrinkaasi ay sabab u tahay Ciidamada soo faarujinaayo Xarumaha ku yaalla Gobolka Sh/Hoose iyo qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Khilaafka labada Mas’uul ayaa waxaa sabab u ah isdaba-marin ay ku kaceen Saraakiisha Ciidamada Militeriga, inkastoo ujeedkii laga lahaa xil ka qaadistii Indha-qarshe uu qeyb ka ahaa Musuqa lagu sameyn jiray Ciidamada.

Khilaafkaani ayaa saameyn xoogan ku yeeshay Saraakiisha waxaana iminka miiska saaran Saraakiil dhan ilaa 6 oo suuragal ah inay kuwayaan xilkooda.

Waxaan lasii saadalinkarin halka uu ku hakan doono Khilaafkaasi, inkastoo Khilaafka uu yahay mid ku saleysan qaabkii wax un loo sixi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com