AXMED FIQI oo ka hadlay arrin ay dhibsanayaan madaxweyne Xasan Sh. iyo guddoomiye Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka dhextaagan Baarlamaanka Somalia.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu qalad u arko in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku dhegnaado Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweyne Xassan waxa uuna ku baaqay in Mooshinkaasi si sharciga waafaqsan wax looga qabto.

“Gudoomiyaha Baarlamaanka waa inuu fasaxaa Mooshinka, sharcigana waafajiyaa, waayo haddii uu sii raago waxaa ka imaankara dhibaatooyin intaan kasii badan”

Waxa uu sheegay in howsha Baarlamaanka loo igmaday ay tahay inay ku hadlaan afka shacabka islamarkaana ay la xisaabtamaan shaqsi waliba oo lagu tuhmo inuu ku xadgudbaayo sharciga dalka.

Axmed Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in mooshinka hadda yaalla baarlamaanka uu ku noqday mid caqabado badan keenay, kaliyana looga gudbikaro in la fasaxo Mooshinka si xal looga gaaro.

Waxa uu meesha ka saaray in Xildhibaanada kawada tirsan Baarlamaanka ay yihiin kuwo aan isfahmi karin, waxa uuna cadeeyay in gabi ahaanba ay yihiin kuwo wada dhashay loona baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro Mooshinka.

Waxa uu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari looga baahan yahay inuu fasaxo mooshinka, sidoo kalena u gudbiyo maxkamadda, loona maro waddo sharci ah.

Dhinaca kale waxa uu Fiqi tilmaamay in aan la aqbali doonin wakhti kororsi ay sameyso dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taasi badelkeeda loo baahan yahay in goortii ay wakhtigooda dhameystaan ay iska dhigaan xilka ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.

Axmed Fiqi waxa uu tilmaamay hadii ay dhacdo in muddo kororsi la sameeyo inuu dhici doono kacdoon shacab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com