Macno-darrida C/W Gaas: Muxuu horrinta ciidan u wataa?,10 Askari ma ku bad-baadisaa Xamar?

C/weli Maxamed Cali (Gaas) wuxuu hore u soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wasiir ka tirsan xukuumadii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, waxaa markaas uun laga keenay qurbaha iyo dalka Mareykanka si uu uga mid noqdo xukuumadda Maxamed C/llaahi Farmaajo.

C/weli Gaas wuxuu ka mid ahaa madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu maamuusi jiray isla markaaba lahaa mid kamida awoodaha ugu waaweyn dowladda Soomaaliya ee kumeelgaarka ahayd, sidaasoo ay tahay wuxuu tartankii doorashada Puntland ku galay inuu soo celinayo xiriirkii Puntland iyo dowladda Federaalka.

ilaalada-GaasWaa aqoonyahan dad badan uga fadhiyeen inuu ka shaqeeyo midnimada iyo dib u soo celinta kalsoonidii burburtay ee dadka Soomaaliyeed, balse wuxuu u muuqdaa inay ku rumowday maahmaahdii Soomaaliyeed ee “FAQI TOLKII KAMA JANO TAGO”.

Wuxuu ka sii daray xaaladii siyaasaddda qabyaaladeysan ee Soomaalida maanta dhex taalla, kaag sii darane wuxuu ogolaaday isagoo dhaqaale yahan ah in lacag been abuur ah oo shilin Soomaali ah maamulkiisu qeyb ka noqdo in la sameeyo.

6Arrinta kale ee la yaabka leh waxay tahay in mar waliba oo uu Muqdisho yimaado uu hore u soo wato ilaalo kooban (Horin ciidan ah) oo diyaaradda la soo raacda..!!!!. Waxay ilaalada C/weli Gaas la yaab ka dhigeen Aaaskii Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo duleedka Muqdisho ka dhacay 7 Febraayo 2014.

Shalay oo ugu dambeysay C/weli Gaas wuxuu hore u soo watay 10 askari oo ka mida ilaaladiisa, kuwaasoo diyaaradii ay UN-ka u dirtay la socday, kana soo hor maray markii ay Garoonka Muqdisho kasoo degaan, mana ahayn wax cusub ee waxay noqotay caado laga fisho madaxweynaha Puntland.

8Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ay horin ciidan ah (9 askari) ka tari karaan xaaladda ammaanka ee C/weli Gaas oo la dhex geeyay magaalo weyn..???. waxa kaliya oo la oran karaa waa is muujin aan waxba soo kordhineynin. Maadaana aanay suuragal ahayn in 9 askari ay magaalada weyn ee Muqdisho ku dhex difaaci karaan odayga reer Puntland, haddiiba la damco in wax la gaarsiiyo.

Madaxda kale ee Soomalida sida Axmed Madoobe, Shariif Xasan ma qabaan xanuunka noocan oo kale ah oo dadka qaarkii u arkaan inuu yahay mid ku dhaca madaxda Qaran ee heerka gobol u xuub siibata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com