Dacwaddii ay DF kusoo oogtay Matt Bryden iyo ajaaniibta kale oo la is-hortaagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maanta loo fariistay dacwado loo heysto ilaa lix qof oo afar kamid ah ay ajaanib yihiin, kuwaas oo la doonayey in dacwadooda la qaado iyaga oo maqan.

Eedeysanayaashaan oo ay horay ugu yeertay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhamaantood ah shaqaalaha iyo aas-aasayaasha shirkadda Sahan Research, waxaana loo heystaa falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga Qaranka iyo basaasid siyaasadeed, sida lagu cadeeyey qoraal maanta ka soo baxay maxkamadda.

“Maanta oo taariikdhu tahay 29/05/2021 Maxkamadda G/banaadir waxa ay u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaas oo eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaas oo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH, laguna eedeynayay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed loona heystay in ay ku xad gudbeen Qod. 199-200-201-202-204-205-71-XCS, iyagoo dhamaantood ay yihiin maqanayaal horayna ay Maxkamaddu u sameysay baafin iyo u yeeritaan laakin ay imaan waayeen, Maxkamadduna ay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Markii ay maanta maxkamaddu bilaawday dhageysiga dacwadda eedeysanayaashaas oo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud uu soo jeediyey waxaa eedeymihii loo jeediyey lixdaas qof is-hortaagay qareeno u doodayey, waxayna maxkamaddu balan qaaday inay qaraar ka soo saarayso is hortaaga qareenada.

“Qareenadii waxa ay keeneen fadhigii maanta is hortaag ka dhan ah xaashida eedda, sido kalena Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka jawaabay is hortaagaasi, Maxkamadduna waxay kusoo afmeertay fadhigan in ay qaraar ka soo saarayso is hortaagaasi ay keeneen qareenada Difaaca Edeysanayaasha,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir.

Shirkadda Sahan Research oo horay looga mamnuucay inay Soomaaliya ka shaqeyso ayaa ka dhega adeygtay go’aankaas, taas oo keentay in maxkamadda gobolka Banaadir looga yeero, fadhigeeda ugu weyn waxay ku leedahay dalka Kenya.