“Dad doonaya in ay helaan mushaarka ka badan ayaa qeylinaya, loomana hayo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa sheegtay in xildhibaanada qaar ay is qarinayaan iyaga oo taageersan madaxweynaha Soomaaliya balse aan sidaasi loo baahneyn, maadaama la difaacayo danta qaranka.

Waxay sheegtay in beesha ay ku matasho baarlamaanka iyo dadka degen deegaanada Galmudug inay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, sidaasi si lamid ahna xildhibaanada looga baahan yahay inay helaan taageerada beelahooda.

“Koley aniga Beesha Sacad ayaa isoo dooratay waa ii jeedaan Banaanka ayaan taaganahay, Tolkeygaanna u taaganahay, ninna igama daba hadli karo, Kulli beesheyda waxay raacsan tahay dowladda, Galmudug waxay raacsan tahay dowladda, waxii  ku abtirsadana waxay raacsan yihiin dowladda” ayay tiri xildhibaan Ubax.

Xildhibaan Ubax Tahliil, ayaa dhinaca kale sheegtay in loo baahan yahay in la dhowro Dastuurka dalka iyo dowlada jirta, iyada oo sheegtay dadka qeylinaya inay yihiin kuwo doonaya inay helaan wax ka badan Mushaarkooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan rabnaa maanta hadduu jiro Sharci iyo dastuur aan u hogaansano dowladeena Daacadda ah, dowadeena Sharafta badan, Laguma Shaqeeyo wax mushaar ka badan, laakiin dad doonaya Mushaar ka badan ayaa qeylinaya loomana hayo”ayay hadalkeeda ku dartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com