Khudbad jeedinta maanta ee musharixiinta K/Galbeed maxay ka dhiggan tahay?

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka dhaceysa Jeedinta Khudbadaha Musharixiinta Koofur Galbeed, iyadoo seddexdii maalin ee lasoo dhaafay xaalada magaalada ay kacsaneyd.

Ilaa seddex Musharax ayaa maanta jeedin doonta Khudbadahooda, iyadoo xildhibaanada ay dhageysan doonaan balanqaadyadooda, waxaana beri hadal jeedinta ku qoran labo Musharax, taasi oo ka dhigan in Mukhtaar Roobow uusan ku jirin Musharixiinta Tartameysa.

Xarigii Mukhtaar Roobow, rabshadaha ka dhacay Baydhabo iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayay inay saameyn ku yeelato doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed.

Arintaan ayaa ka dhigan in la iska dhega tiray baaqyada kala duwan ee kasoo baxayay guddoonka baarlamaanka, waxgaradka Koofur Galbeed iyo dadka banaanbaxyada dhigayay oo ahaa in doorashada dib loo dhigo.

Waxay dhamaan dalbanayeen in doorashada dib loo dhigo kadibna la xaliyo waxyaabaha keenay xasaradaha iyo waxyeelada ka dhalatay, balse guddiga oo horey u shaaciyay inaysan dib doorashada u dhigeyn ayaa u muuqda kuwo ku adkeysanaya go’aankooda.

Xildhibaanada baaramaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay haboon tahay in doorashada Koofur Galbeed la qabtaa waqtiga loo qorsheeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com