Dad gaaraya 64 qof oo ku dhintay Somaliland iyo wararkiii ugu dambeeyey

Hargeysa (Caasimada Oline) – Deegaanada Somaliland waxaa weli fara kulul ku hayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad ku laba kacleeyey maamulkaasi.

Xukuumadda Hargeysa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyey ee la diiwaan-geliyey iyo xaaladaha soo kordhay ee la xiriira cudurka Covid-19.

Sheekh Khaliil Cabdillahi oo ah wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ayaa sheegay in bishan lagu jiro April ay xanuunka u dhinteen 64 qof oo ku sugan degaanada maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu bulshada ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka ee lagu xakameynayo faafintaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ilaa haatan 64 qof, waxaana soo jeedinaya in bulshada guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta maamulka Somaliland.

Si kastaba Somaliland ayaa faafitaanka xanuunka Covid-19 ee deegaanada Somaliland aya waxaa loo sababeynayaa in maamulka ka gaabiyey xayiraadihii hore ee soo rogay ee looga hortagey faafitaanka cudurka oo mar labaad ku soo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka.