Farmaajo oo saxiixay xeerkii muddo kororsiga loogu sameeyey isaga iyo BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu xalay fiidkii saxiixay xeerkii mudo kororsiga ahaa ee shalay ay ansixiyeen xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in xalay afurkii kadib uu Farmaajo saxiixay sharcigii ay ansixiyeen xubanaha golaha shacabka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12-04-2021,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Dubbe.

Beesha Caalamka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, saamileyda kale ee siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa aad u diidan mudo kororsigaan uu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, waxaana la ogeyn sida xaalku ku dambeyn doono.

Beesha Caalamka ayaa ku hanjabeysa cunaqabateyn, halka siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ay saacadihii u dambeeyey ku goodiyeen inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay uga hor-tegayaan mudo kororsiga Farmaajo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanadoodii kadib mudo bil ka badan oo ay Muqdisho u joogeen in laga heshiiyo khilaafka doorashada, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aano culus oo la xariira xaaladda siyaasadeed ee dalka.