Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay nin dilay xaaskiisa

Afgooye (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal ay ka sameeyeen agagaarka deegaanada Sabiid iyo Caanoole, iyaga oo gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu dhowaan xaaskiisa ku dilay tuulada Muur-Diinle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Galbeed Soomaaliya.

Howl-galkan oo ay fulineen ciidanka guutada 14 October ayaa waxaay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Cabduqadir Cali Axmed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka xaaskiisa.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Khadiija Sheekh Nuur Cabdi, taas oo la sheegay inay laheyd uur sideed bilood ah.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya dilkan ayaa yimid, kadib muran soo kala dhex-galay haweeneyda iyo seygeeda oo markii dambe goobta isaga baxsaday, waxaana ugu dambeyn maanta laga soo qabtay tuulada Muur-Diinle ee gobolka Sh/ Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh baarista, si maxkamad loo soo taago.

Dhacdadan ayaa si weyn u taabatay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo soo dhoweeyey soo qabashada eedeysane Cabduqadir Cali Axmed .