Weerar khasaare geystay oo ka dhacay GALGADUUD

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay weerar qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Weerarkan oo lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Xananbuure, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, iyada oo sidoo kale burbur uu soo gaaray baabuurka la rasaaseeyey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen dhacdada, kadib.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan ah mid deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo howl-gallo ballaaran ka billaabay qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.