Midowga Yurub oo ku hanjabay inuu tallaabo qaadayo hadii aan laga noqon mudo kororsigii BF

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in tallaabadii mudo kororsiga aheyd ee shalay ay qaadeen xildhibaanada galaha shacabka ee baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay wiiqayso dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad.

“Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxuu shalay u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka mudo labo sano ah, kadib ciriiriga ku yimid geedi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8-dii Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad,” ayaa lagu yiri bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray,”Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaan sinnaba loo aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada doorashada ee 17-kii Sebtember.”

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu xaqiiqsan yahay in qaraarkii ay shalay gaareen xildhibaanada Golaha Shacabka uusan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed.

“Midowga Yurub waxa uu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doonaan dib u dhacyo dheeri ah, ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda,” ayaa lagu yiri.

Qoraalkan oo baaq loogu jeediyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember.”

Ugu dambeyntii Midowga Yurub waxay ku goodiyeen in haddii la qaadan waayo talooyinkan ay tixgelin doonaan ‘tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.’