Farmaajo oo darajadii ciidanimo ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Banaadir S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa S/G Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) ka xayuubiyay dhamaan darajadii ciidan si waafaqsan sharciga ciidamada Qalabka sida.”

Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed ayaa shalay xilka laga qaaday, kadib markii uu warbaahinta u sheegay inuu hor istaagay kulankii xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay damacsan yihiin mudo kororsi.

Xil ka qaadistiisii kadib waxaa qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee xildhibaanada golaha shacabka, waxayna si dadban u ansixiyeen mudo kororsi laba sano ah, iyagoo u maraya sharci doorasho oo guddoomiye Maxamed Mursal uu hor keenay.

Waa sarkaalkii labaad ee madaxweyne Farmaajo uu darajadiisa ciidan ka xayuubiyey intii uu joogay xukunka, waxaana ka horeeyey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ay is qabteen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo ah midigta Farmaajo.

Hoos ka Daawo dikreetada Farmaajo