Madasha Badbaado Qaran oo go’aano 4-qodob ah ka soo saartay mudo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulamo saacadihii u dambeeyey magaalada Muqdisho uga socday siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo lagu naqdinayo tallaabadii mudo kordhinta aheyd ee shalay uu qaaday golaha shacabka.

Qoraalka Madasha ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Kulan ay isugu yimaadeen hoggaanka sare iyo xubnaha Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed ayaa looga hadlay go’aankii muddo kororsiga sharci darraida ahaa ee uu ku kacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday.”

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in kulamadii dhacay ee xubnaha Madasha looga hadlay sida ugu habboon ee looga samata bixin karo dalka xaaladda cakiran ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu lugaha u geliyey.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu go’aamiyey afar qodob oo kala ah:

1 –In uu waxba kama jiraan yahay go’aankii dastuur ku tumashada ahaa ee uu Golaha shacabka xilka labo sano isugu kordhiyey, uguna kordhiyey Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday.

2 –In uu Go’aankaas halis ku yahay xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

3 –In Go’aanku yahay isku day lagu hor istaagayo dadaalladii lagu baadi goobayey doorasho heshiis lagu yahay iyo meelmarinta heshiiskii 17 September.

4 –In Madashu iyadoo la tashanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaallieed ay qaadayso tillaabo kasta oo lagu joojinayo in muddo kordhinta sharci darrada ah masiirka dalka loo afduubo, waxayna ka shaqaynaysaa sidii xal loogu heli lahaa maaraynta xilliga kala guurka ah.