Dad ku dhamaaday Roobab Duufaano wata oo ka Da’ay Puntland

Garoowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab Duufaano wata oo ka da’ay deegaanada maamulka Puntland kuwaa oo geystay khasaaro dhimasho.

Roobabka Duufaanada wata ee ku dhuftay Puntland ayaa waxaa ila iyo hadda la xaqiijiyay inay ku naf waayen ilaa 2 ruux oo shacab ahaa.

Dadka ku naf waayay Roobabka Duufaanta wata ayaa la sheegay inay la socdeen gaari nuuca raaxada oo ay ku wateen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garowe, halkaa oo uu ku helay roob wata Duufaano.

Guud ahaan ragga la socday Gaariga oo ahaa 5 Ruux ayaa maalinimadii shalay ka baxay magaalada Garowe, waxa ayna Roobabka ku haleeleen wadada.

Seddex kamid ah dadkaasi ayaa lagu la’ yahay nolol iyo Geeri, halka labo kamid ah Meydkooda laga helay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Roobabka wata Duufaanada ayaa socon doona muddo Seddex cisho ah, waxaana aad looga digaya inay burburin iyo khasaaro dhimasho u geysato dadka ku nool deegaanada laga digay.

Dhinaca kale, inta ugu badan dadka ku noolaa deegaanada looga digay Duufaanta ayaa ka barakacay Hooygooda, waxaana manta u bilowday Duufaan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com