Waa kuma Soomaaligii gacanta ka geystay siidayntii Nelson Mandela

Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay.

Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika.

Nelson Mandela

Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka.

Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud .

Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas.

Cabdirixiin Caabbi

Isaga oo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay.

Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan.

Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah.

Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen.

Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor.

Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi.

“Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa” ayuu yiri Cali.

Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay.

ISHA BBC