Roobab dabeylo xoogan wata oo ka bilowday Puntland, Soomaaliland & Barakac ka socda Deegaanka Baargal

Garoowe (Caasimada Online)-Dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa lasoo sheegayaa inay isku beddeshay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Khubarada saadaasha hawada ayaa duufaantan ugu magac daray Sagar waxa ayna qeyb ka tahay dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, taa oo ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Wararka aynu ka heleyno Deegaano Xeebeedyada Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu ka socdo Barakac ay sameynayaan Dadka Deegaanka.

Deegaanka Baargaal ayaa kamid ah deegaanada maanta dadka ay ka Barakaceen si aanan saameyn ugu yeelan Roobka dabaysha wata ee saan-saantooda iminka laga dareemaayo Koofurta Yemen iyo Waqooyiga Somalia.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Baargaal Saciid Cawil Dhuxul oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay la hadleen, isla markaana ay u sheegeen in ay kaliya ka guuraan Goobaha sida gaarka ah loo saadinayo.

Sidoo kalem mas’uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.

Geesta kale, Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Somalia oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u da’ay si ka badan sidii la filayay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com