Dad SHACAB ah oo lagu laayey duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in duleedka Magaalada lagu dilay illaa 3 qof oo shacab ah kadib markii lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen.

Gaariga la rasaseeyay oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho ayaa noociisu ahaa NOHA, waxaana kuu kusii jeeday degmada Balcad.

Sida wararka sheegayaan  Kooxo Burcad ah ay rasaaseeyeen gaarigaas xilli uu marayay deegaanka Masax oo u dhow duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta lagu furay gaariga ay ku geeriyoodeen Darawalkii gaariga iyo laba ruux oo gaariga saarnaa oo midkood dumar tahay.

Meydkii iyo dadkii ku dhaawacmay gaariga ayaa meesha laga qaaday markii ay gurmad u fudiyeen qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad iyo Ehelada dadka rasaaastaas ku waxyeeloobay.

Maamulka degmada Balcad ee Hirshabeelle wali kama hadlin dadka ku dhintay duleedka degmadda Balcad.

Kooxihii Burcada ahaa ee ka dambeeyay rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay Goobta ka baxsadeen.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waqtiyadii dambe kusoo badanayey Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan baxsado kooxo ka dambeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com