Maxaa kasoo baxay kulankii Axmed Madobe iyo taliyaha Itoobiyaanka ah ee Amisom?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ammaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com