Dadaal lagu heshiisiin rabay Puntland iyo Villa Somalia oo fashilmay – Yaa diiday?

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka agdhow xafiiska madaxweyne Den, ayaa Caasimada Online u sheegay, in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo xukuumadda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia.

Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa sida wararku sheegayaan ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaal ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida ilo xog-ogaal ah xaqiijinayan gebi ahaanba  diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay  ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Dhinaca kale, Deni oo haatan safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, HirShabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulankaasi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajira cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com