DF oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Hiiraan iyo dagaalladii Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisadda ka taagan deegaanada gobolka Hiiraan iyo dagaaladii shalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya C/Naasir Saciid Muuse ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalada ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaasi ayuu sheegay inay u xilsaareen guddi gaar ahaaneed oo baaritaan dhab ah ku sameynaya, waxyaabaha keenay iyo cidda masuulka ka aheyd, isaga oo sheegay in la iskula xisaabtami doono.

Wasiir ku xigeenka ayaa kaga digay qeybaha kala duwan ee ciidamada xooga dalka inay ku lug yeeshaan dagaalada ka dhacaya deegaanada Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii Dabageed iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wasiirka waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in xiligaan lagu dagaalamo magaalada Beledweyne, isaga oo ku baaqay in xal kale lala yimaado.

Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalo dhiig ku daadanayo inay qarnigaan ka dhacaan magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhankiisa ka hadlay xiisadda Hiiraan ayaa sheegay in guddoomiyihii Hiiraan Dabageed looga baahan yahay inuu xilka si nabad galyo ah ku wareejiyo, islamarkaana uusan horseedin dagaalo ka dhaca gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com