KENYA oo ka rajo dhigtay isku daygii DF Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo uu muran salka ku hayo arrimaha Badda kala dhexeeyo Soomaaliya ayaa waxaa haatan uu gaaray khilaafka labada dal halkii ugu sarreeyay.

Caasimada Online ayaa heshay xog ah in dowladda Kenya ay ka quusatay in wadahadal ama gorgotan dowladda Soomaaliya ay ka gasho muranka Badda, kana laabato dacwadda haatan hortaalla Maxkamada ICJ oo sanadkan gudihiisa la filayo in go’aan laga gaaro.

Dhowr jeer Kenya waxa ay isku dayday in Soomaaliya ay kala hadasho sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa muranka Badda, balse dowladda Soomaaliya ayaa arrinkaas ka biyo diiday, waxa ayna sheegtay in ay ku qanacsan tahay go’aanka  Maxkamadda.

Sidoo kale, Kenya ayaa markii uu fashilmay isku dayga wadahadalka waxa ay bilowday in cadaadis ay saarto Soomaaliya, iyadoo ka baxday heshiisyo dhowr ah, sida diyaaradaha tooska kaga bixi jiray Muqdisho ee tagi jiray Nairobi oo ay joojisay iyo in madaxda dowladda loo diido in Baasaboorka Diblumaasiga ah dal ku galka loogu dhufto marka ay tagayaan dalkaasi Kenya.

Hayeeshee weli Soomaaliya kama tanaasulin in go’aankeedii ahaa in laga dhursugo Maxkamada ICJ ay ka qaadaneyso murankan muddada socday ee Kenya iyo Soomaaliya,

Sababta Kenya u qaaday tallaabooyinka xumeeyay xiriirka labada dal ayaa dadka falanqeeya arrimaha dacwadaha waxa ay ku sheegayaan in uu jiro tuhun ah in Kenya ay ku guul dareysan karto kiiska Badda ee horyaalla Maxkamada ICJ.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com