Maxkamadda Nairobi oo xalay go’aan ka gaartay kiiskii Dr. Ibraahim Bursaliid

Nairobi (Caasimada Online) – Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo dhowaan lagu xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya aya xabsiga laga sii daayey xalay fiidkii.

Maxkamadda magaalada Naiorbi ayaa laashay dhammaan eedeymihii dowladda Kenya ay usoo jeedisay Dr. Bursaliid, waxayna amartay in lasii daayo.

Maxkamadda Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in Bursaliid uusan wax xiriir ah la lahayn dhammaan dambiyada ay dowladda ku tuhmaysay, sidaas darteedna uu yahay qof xor ah wixii caawa ka dambeeya.

Dowladda Kenya ayaa Dr Bursaliid kusoo oogtay eedeymo la arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyo inuu Nairobi ka sameeyey xisbi siyaasadeed, iyadoo loo malaynayo inuu yahay musharax. Bursaliid ayaa beeniyey eedeymahaas.

Bursaliid ayaa waxaa lala xiray saddex qof oo kale, oo lagu kala magacaabo, Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xassan Muxamud.

Dr. Bursaliid ay habeenkii arbacada waxaa gurigiisa Nairobi kala baxay ciidamada sirdoonka dalka Kenya ee dhar-cadda iyo kuwa hubeysan, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ehelladiisa.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com