Arrin 20 sano si qarsoodi ah uga dhaxeysay Israel iyo Imaaraadka oo la ogaaday

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Wargeyska Macaarif ee laga leeyahay Israa’iil ayaa qoray inuu jiro xiriir gaar ah oo in ka badan labaatan sano si qarsoodi ah ugu dhaxeeyey Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Israa’iil.

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay inuu jiro iskaashi dhanka Sirdoonka iyo Amniga oo qoto dheer kaasoo ka dhaxeeyo Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Falanaqeeyaha wargeyskaan u qaabilsan dhanka Sirdoonka Yossi Maiman ayaa sheegay in sababta xiriirkooda ay tahay kadib markii uu batay danaha siyaasadeed ee labada dhinac isaga xiran.

Yossi Maiman ayaa warbixintaan oo la daabacay sabtidii ku sheegay in Abu Dubai ay hormarisay xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isagoo sheegay inay ula macaamisho sida wadan dhameystiran.

Wuxuu intaas kusii daray in Imaaraadka ay Israa’iil ka caawiso arrimaha Sirdoonka halka Tel Aviv ay iyadana howlo sirdoon ka sameyso gudaha Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay iska kaashadeyn sameynta isbaheysi ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar kaasoo loogu talagalay in lagu tirtiro Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Wargeyska ayaa kashifay in Si ay imaaraadka u gaarto danaheeda gaarka ah ay Israa’iil laba qarni bixineysay lacagaha lagu iibinayey Hub farabadan iyo Qalabka difaaca taaso qiimaheeda lagu sheegay Boqolaal Milyaar oo Dollarka taasoo laga soo iibinayey dalka Mareykanka, waxayna arrintaas keentay inay Israa’iil xiriir wanaagsan la yeelato Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka ayaa kala shaqeysay Madaxweynaha Mareykanka Trump in Israa’iil laga caawiyo Farsamada casriga ah ee sameynta hubka si ay ugu isticmaasho dagaalka ay kula jirto Falastiin.

Shirkadda NSO ee laga leeyahay Israa’iil ayaa dhankeeda Abu Dubai ka caawisay in la siiyo Barnaamijka  Pegasus oo Sirdoonka Imaaraadka ka caawinayo inay ku dhageysato taleefoonada dadka ay u aragto inay mucaarad ku yihihiin Maamulkooda.

Fadeexadaan cusub ee uu faafiyey wargeyskaan laga leeyahay Israa’iil ayaa kusoo aadeyso xilli ay Dowladaha Carabta si toos ah ula safteen Mareykanka iyo Israa’iil.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com