Korneyl Caare oo luuqad adag ugu soo hanjabay madaxda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Korneyl Caare oo ah Sarkaal hogaamiya jabhad ka goosatay Somaliland oo ku sugan deegaanada maamulka Puntland, ayaa maanta fariin hanjabaad ah usoo diray xukuumada Muuse Biixi.

Korneyl Caare ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay dilalka loo geysto Saraakiisha ciidamada Somaliland oo ay ugu dambeeyen dilkii dhowaan gobolka Sanaag loogu geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada.

Caare ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka soo horjeeda xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi, isagoona si adag uga jawaabay hadalo kasoo yeeray Badhasaabka Gobolka Sanaag.

“Sagaal sanadood weeyi inta uu Kulmiye wadanka haystay, waxa ku dhintay 11-Sarkaal iyo 16-ciidanka qaranka oo lagu dilay goob kasta, meel amni ka jiro intaba waxana dilay Dowladda, waan cadeynaya waxaana u dambeeyay labadii sarkaal ee Boorame, waxaas oo dhana waxa ka dambeeyay Badhasaabka iyo Wasiirka arrimaha gudaha” ayuu yiri Korneyl Caare.

Wuxuuna intaas kusii daray “Badhasaabku wuxuu yiri ‘Caare wuu dhoofaya, ingiriisku tagaya gadiidkiisi iyo tiknikadiisina wuu daboolay oo meel buu ku xareystay’, haddii Alle yiraahdo wan is arki doona, gurigaagana waan aqaana, ismaan laheyn adigo godob hore ku tirsanayey maantu Tv-yada waxaasi ka oran doona”.

Korneyl Caare ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaal uu sheegay inay xukuumadu kula jirto Boqor Buurmadow, isagoona xusay inay xukuumadu Biixi sii hurinayso xiisada Ceel-Afweyn, wuxuuna yiri

“Waad arkeysan Boqoradii dalka la eryanaya, gacan ku dhiiglayaal ayaa xukuma dalka Somaliland, Waxan u sheegaya waxas oo dhan iyaga galay, hadana wey ku jiran oo dagaalka Ceel-Afweyn Afar sanadood ayuu socday, dagaal beeleedyo intaasi ma socdo iyaga xaga dambe kaga jira”.

Korneylka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu taageero u muujiyay Saraakiil kale oo la sheegayo inay kasoo goosteen ciidamada Somaliland, isagoona ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay ku mudaharaadan xukuumada Muuse Biixi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com