Ciro oo xukuumada Biixi u direy baaq maamulka Khaatumo State ku aadan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Guddoomiye Cirro ayaa ku baaqay inay xukuumada Kulmiye dib u eegto oo ay fuliso heshiiskii ay magaalada Caynaba ku wada galeen Maamulka Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017-kii.

Ciro ayaa baaqan ugu direy xukuumada Biixi fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, isagoona fariintaasi ku xusey inay wax walba laga horeysiyo mideynta umadda.

“Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo, Waxaana muhim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka” ayuu ku yiri qoraalkiisa Guddoomiye Cirro.

Lama oga waxa xiligan keenay in Guddoomiye Cirro u diro baaqan xukuumada Kulmiye, balse waxa mudooyinkii u dambeyay isa-soo tarayey mucaaridad xoogan oo ay xukuumada Muuse Biixi ay kala kulmeyso bariga gobolka Sanaag.

Dhinaca kale Dr Cali Khaliif Galeyr, ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqay xukuumada inay fuliso heshiiskaas, isagoona xusay in la gaaray xiligii Somaliland looga baahna inay fuliso heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Siilaanyo, balse xukuumada Muuse Biixi ayaa u muuqata mid weli iska dhago tireysa baaqyadan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com