Xog: Sarkaal militariga DF ka tirsan oo weerar ku ah taliye Jeneral Zakiya Xuseen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaabilay dood ka soo gudubtay oo ay xalin kari waayeen taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Bashiir Americo, taliyaha qeybta Booliiska Soomaaliya Saadaq John iyo taliyaha Milateriga Soomaaliya General Indha-qarshe taas oo salka ku heysa Askari dhamaadkii Ramadaanka lagu dilay gudaha Suuqa degmada Xamar-weyne.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay taliyaha Guudatada 14-ka Oktoobar oo lagu magacaabo Axmed Gaashaan kaas oo maalmo ka hor ku hanjabay in uu weerari doono taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen iyo taliyaha Saldhigga degmada Xamar-weyne.

Arintaan ayaa ka dhalatay israsaaseyn dhaxmartay ciidamo katirsan Guutada 14-ka Oktoobar iyo ciidamada Booliiska degmada Xamar-weyne, taas oo dhacday dhamaadkii Bishii Ramadaan.

Israsaaseyntaasi waxaa ku dhintay Askari kat irsan ciidanka Axmed Gaashaan oo ka adeeganayay Suuqa. Taliye Axamed Gaashaan ayaa ka hor inta aysan ciidamada Suuqa soo aadin waxa uu la soo wacay taliyaha Saldhigga Xamar-weyne waxa uuna ku wargeliyay in ciidamo kuwiisa ah oo aqoonsiyo wata sidoo kalane loo tilmaamay gaarigooda ay suuqa ka adeegan doonaan.

Taliyaha Saldhigga oo aqbalay arrintaasi ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadiisa ay ku soo wargeliyeen in wax ay ugu yeereen burcad suuqa soo galeyn isagoo amray in la qabto ama la tuugto. Waa qodobka lagu heesto Taliyaha Saldhigga.

General Zakiya Xuseen oo ah taliye ku xigeenka labaad ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa iyadana lagu heestaa qoraal ay soo dhigtay Internet-ka oo ay ku sheegtay in la toogtay Askari ka tirsan Koox Burcad ah mid kalane la qabtay. Waa dooda kale Axmed Gaashaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in arintaan ay gaartay islamarkaana uu dalbaday in uu wax ka qaban doono. Wararka la helayo ayaa sheegay in arintaan ay sababi doonto xil ka qaadista taliyaha Saldhigga degmada Xamar-weyne.

Taliyaasha Booliiska iyo Milateriga Soomaaliya ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay wixii dhacay iyagoo cadeeyay in qaladka ka jira dhanka Booliiska balse uu xalkii diiday Axmed Gaashaan isagoo dalbaday in loo toogto Askarigii dilay Askarigiisa ama uu dagaal kale dhici doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com