Dadka yaa dowlad u ah? Wuxuu na baday burburki wuxuu na baray baa kasii daran.

Asbuucaan warki iigu xiisaha badnaa waxaa uu ahaa miisaaniyadda 2018ka ee dowladdu soo bandhigtay. Inkastoo aanan helin masaaniyadda oo dhamaystiran, hadana goosgooska lagu soo bandhigay shabagadaha wararka ayaa iigu filnaaday mashquul. Mar walba oo aan akhriyaba xog dheeraad iyo qodobo xiiso leh ayaa ii baxayay. Laakiin waxaan goor danbe ku baraarugay in xiisaha ay ii leedahay miisaaniyaddu aysan dadka u wada lahayn. Sidee?

Marki ay dowladdu soo bandhigto qorhse cusub, waxaa caado noo ahayd in aad looga faalloodo. Muxaafid iyo mucaarad ayaa loo kala safan jiray. Mid aqoon u leh iyo midaan waxbo kala soconba qof walba fakerkiisa ayuu dhiiban jiray. Maqal, muuqaal iyo qoraalba waa lagu wadaagi jiray. Laakiin miisaaniyaddu sidaasi ma noqon inkastoo ay ahayd midda ugu qiimaha badan qorshayaalki aan arkeenay dhawaanahaan.

Waxay ahayd in idaacaduhu ay aad u baahiyaan misaaniyadda sharraxaad dheeraad ahna dadka ka siiyaan. Waxay ahayd in dhaqaalo-yahannadu ka faalloodaan muuhiimadda ay xambaarsantahay iyo sida ay u saamayn doonto howlaha dowladda. Waxay ahayd in shacabku si fog u akhriyaan fahmaanna muhiimadda ay u leedahay miisaaniyaddu.

Shacabku waa dadka ay sida tooska ah u saamaynayso miisaaniyaddu. Iyaga ayaa canshuurta laga qaadaayaa, alaabaha canshuurta lagu kordhiyay qiimaha ku darmayo shacabka ayaa bixin doono si toos ah,  sidoo kale iyaga ayaa dib loogu celinayaa inteeda badan. Sidaa darteed waxay ahayd inay waqti galiyaan si ay dowladdu oogala xisaabtamaan adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Oo yaa baahida bulshada xisaabta ku darsado?

Maya saas maahan. Adeegga bulshadu waa xilka koowaad ee dowladda saaran, mana hilmaansana in wixii loo ikmaday ay taasi ahayd. Miisaaniyadda sanadkaan waxaa lagu soo bandhigay lacagta loo qoondeeyay waxbarashada iyo caafimaadka oo waliba la sadex jibbaaray. Tusaale, miisaaniyaddi hore qoondada waxbarashadu waxay ahayd labo milyan labo boqol iyo sodon iyo afar kun, siddeed boqol afarntan iyo todobo doolar ($2234847) halka sanadkaan laga dhigay todobo milyan todobo boqol iyo todobaatan kun, afar boqol iyo siddeetan iyo siddeed doolar ($7,077,488).

Hadaba shacabka maxaa ku dhacay?

Dhibka nagu dhacay ayaa ah in burburkii nasoo maray meesha uu ka saaray shaqadii dowladdu noo qaban jirtay sidaa awgeed inay adeeg noo haysaba ma ogin. Kama sugayno waxbarsho iyo caafimaadka aasaasiga ah, kama sugayno taakulayn iyo gacan qabasho kuweeenna taagta daran kumana aanan tashan inayba xisaabta nagau darayso. Haddiiba ay nagu soo dhacdo inaan xuquuq ku leenahay waxaan ka fakernaa amniga. Inta kale waxaa ka doodno waa yaa wasiirrada noogu jiro iyo kuraas nagu filan beesha ma la siiyay.

Mucaardki maxaa ku dhacay?

Marki maasaaniyad lasoo gudbiyo, cidda kowaaad ee ahayd inay findhicisho waxay ahayd mucaaradka. Waxay ahayd inay toosh weyn ku ifiyaan in dowladdu xil iska saartay bulshada iyo in kale. Waxay ahayd inay si hoose u eegaan in canshuurta dowladdu soo bandhigtay si gooni ah uu saamanayso deegaannada laga soo doortay. Waxay ahayd in qoondoonyinka la soo bandhigay ay ka eegaan in gobollada laga soo doortay ay ku jiraan iyo in kale iyo inay xuuquqda dadkooda raadiyaan.

Taasi ma dhicin. Ugu yaraan si muuqato uma aannan arak inay gadaal wax ka yimaadaanse waa laga yaabaa. Waxaan is iri mucaaradku ma naftiisa kaliya ayuu u doodaa mise iyaguna sida shacabka ayaysanba ogayn in dowladdu xil ka saaranyahay adeegga bulshadu.

Maxaa xal ah?

Waxaa socdo horumar fiican. Tallaabooyin muhiim ah ayaana xagga horumarka loo qaaday. Shacabku laf dhabar ayuu u yahay horumarka dalka. Cidda la hormarinayo waa iyaga. Mustaqbalka loo doodayo waa kan caruurtooda. Dan aan shacabka ahayn oo jiri karto ma jirto sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah in shacabku noqdo barta laga cabbir qaadanayo marki la eegayo horumarka uu dalku samaynayo.

Si loo helo shacab udub u ah horumarka waa in la qaadaa olole ballaaran oo shacabka lagu barayo xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin, waxa ay tahay inay ka fishaan iyo sida ay ula xisaabtami karaan. Ilaa la helo shacab soo jeedo oo yaqaan waxa ka maqan, danta bulshadu waxay ku jiri liiska danbe.

Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/