25.9 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Maxay tahay sababta xilka looga qaaday wasiirkii ow-qaafta iyo arrimaha diinta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Tani ayaa muuqata tallaabadii u horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu qaado, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyo wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa, kaddib markii ay Labo Wasiir is casileen bil gudahood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta ay la xiriirto arrimo ku saleysan awood qeybsiga beelaha.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xilalka dowladda u hela qaab awood qeybsi, waxaana dad badan sheegayaan in xil ka qaadista Wasiirkan iyo magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga uu ka muuqdo isu dheelitir qaabka awood qeybsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News