Sawiro: Meydad wadada dhexyaala iyo ciidamada xasilinta oo toogasho ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu dilay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, kadib markii lagu weeraray goob Koontarool ah oo ciidanka ay ku sugnaayeen.

Ciidamada la dilay ayaa ku hawlanaa baarista gaadiidka mara Isgoyska Sanca ee aada dhanka Hotel Global, waxaana dilkooda ka dambeeyay ciidamo kale oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada dilka gaystay ay horay u sii qaateen laba qori oo ay lahaayeen labadaasi askari ee dilka ay u gaysteen.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in wali maydka askartaasi uu yaalo ka soo hor jeedka Sarta Baana Raama ee Sanca.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Askarta dilka Geysatay ay ka tirsanaayeen Ciidanka Xasilinta Gaar ahaan Qaybta uu Taliye u ahaa allaha unaxariistee Taliye ku dhintay weerar ka dhacay Hotelka Naasa hablood two.

Labadan Askari ee la dilay ayaa diiday in ay hubka soo Wareejiyaan ka dib markii la sheegay in lagu amray in ay Hubka soo wareejiyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo maleynayo in uu jiro isku dhac kale oo Horay uga dhaxeeyay, laakiin Lama xaqiijin.

Ciidamadii weerarka soo qaaday ee Nabad Suggida ka tirsanaa ayaa durba halkaasi isaga cararay, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya.

Xaalad feejignaan ah ayaa ka jirta koontaroolada Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan shaki soo kala dhex galay ciidanka dhexdooda.