Muxuu ku saabsanaa kulankii gaarka ahaa ee Farmaajo iyo 50 xildhibaan?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxayna kala hadleyn Caqabadaha hortaagan in Xukunka dilka ah lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Wasiir Cabaas Shiikh C/llaahi Siraaji.

Xildhibaanadaan oo gaaraya ilaa 50 Mudane oo ka tirsan Labade Gole ayaa sheegay in madaxweynaha ay weydiiyeen Su’aalo ku saabsan Caqabadaha hortaagan in la fuliyo go’aanka Maxkamadda waxa ayna sheegeyn in ilaa hada uusan sheegin Sababtaasi.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Barteeda Facebook ku soo qortay hadalkaan.

“Xildhibaano gaarayo 50 Xildhibaan oo ka tirsan Labade Gole ayaa la kulmay Madaxweynaha waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan in uu saxiixo dil lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji wasiirka Howlaha Guud iyo Dib udhiska Soomaaliya waxa uuna sheegay in arintaasi uusan ilaabin meel wanaagsana ay mareyso balse uu tix gilinayo go’aanka maxkamadana la fulin doono balse laga war sugo” sidaas waxaa barteeda facebook ku soo qortay Xildhibaan Xaniifa Xaabsade.

Sidoo kale Xildhibaan Xaniifa ayaa sheegtay in uusan Madaxweynaha Soomaaliya uusan cadeynin waqtiga la sugayo balse ay dareemayaan in dano qabiil ay ku hor gudban yihiin fulinta kiiskaasi.

Qoraalka ay soo dhigtay Barteeda facebook ayaa markii dambe laga saaray lamana oga sababta ka dambeysay in laga saaro Page-keeda qoraalkii ay so dhigtay oo ay kaga hadlaysay Kulankii madaxweynaha ay la yeesheen sidoo kale waxaa Page-keeda laga saaray qoraal ka sii horeeyay oo ay kaga hadleysay kulan ay yeesheen Xildhibaanadii madaxweynaha u tagay oo ay kaga hadlayeen isla arintaan.

Waa markii ugu horeysay oo xildhibaano ka tirsan Labada ee Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweynaha Dalka kala shiraan Arinta ku saabsan Dilka Marxuum Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji.

Askariga loo xukumay dilka Wasiir Siraaj Cabaas ayaa ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu xukun suge ku yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com