Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulanka dhexmaray Xildhibaanada Aqalka Sare DF & kuwa Jabuuti?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia iyo Xildhibaano uu Hogaaminaayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabouti.

Kulankan labada dhinac ayaa ahaa mid isbarasho ah, waxaana leyska wareystay hanaanka wada shaqeeneyd iyo in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyn kara labada baarlamaanka.

Sanatorada Aqalka Sare ee wafdiga Dowladda Jabuuti la kulmay ayaa waxaa Hogaaminaayey Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare, halka Xildhibaanada Jabuuti uu ka hogaaminaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas Xaamud.

Xildhibaano ka kala tirsan labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay is horfadhiistan, iyadoo leyska wareysanaayo shaqooyinka labada dhinac.

Xildhibaanada waxa ay tilmaameen inuu sii socon doono is aragooda inta laga yagleelaayo xiriir joogta ah oo dhexmara labada baarlamaan.

Wafdiga ayaa sidoo kale qadka Teleefanka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay allah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.