Ku dhawaad 30 Ruux oo ay ku jiraan Soomaali oo la socday doon oo ku degtay badda Mediterranean.

Tripoli (Caasimadda Online) – 31 ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay sida ay sheegayaan wararka ay baahinayaan Warbaahinada qaar kadib markii ay doon ay la socdeen tahriibayaashaan ay ku quustay Badda Mediterranean-ka loo yaqaan.

Dadka geeriyooday oo la socday doon ka baxday dalka Libya waxaana ay ku socdeen dalka Talyaaniga halkaasoo ay doonayeen inay uga sii gudbaan wadamada Yurub sida ay Xaqiijiyeen Saraakiil ka tiesan Ciidamada Badda dalka Liibiya.

Sida ay wararka sheegayaan dadka Musiibadaas ku dhintay waxaa ku jiray Haween iyo Carruur aad u yar yar oo qaarkood ay ku jireen Xilligii Umusha.

Sidoo kale ciidamada illaaladda badda Yurub ayaa bad baadshay 60 ruux oo kale oo la socday doon kale oo iyana la socotay doontay degtay.

Sargaal u hadlay ciidamada badda Libya oo la yiraahdo Korneyl Abu Ajala Cabdilbaari ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa la bad baadshayba ay u dhasheen dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Eritrea Nigeria, iyo Pakistan.

Shilkaan waxaa uu ka dhacay meel qiyaastii 37 mile u jirta caasimada Libya ee Tripoli.

Khamiistiina 250 ruux oo tahriibayaal Afrikaan ayaa la bad baadshay sidoo kalena ciidamada badda Talyaaniga illaa  Taladaadii hore waxay sheegeen bad baadsheen in ka badan kun ruux oo doonyo ku tahriibayay.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegay in 17 sanno ee lasoo dhaafay dadka ku geeriyooday badda Libya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ay ku naf waayeen qiyaastii 33 kun oo ruux.

Sanadkaana waxaa la aaminsanyahay in dadka ayagoo tahriibaya ku maqan badda Mediterranean,ka waxay gaarayaan 3 kun oo ruux sida laga soo xigtay hay’adda IMO.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com