Sawiro: Xaaf iyo Carabey oo la arkay iyagoo isla raacayo diyaarad (Goormee Heshiiyeen)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey oo muddo badan uu Khilaaf ka dhaxeeyey ayaa Maanta la arkay iyagoo si wadajir ah uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Labadaan mas’uul ayaa isku raacay Safar dalk Jabuuti ah halkaas oo la filayo inuu ka furmo Wajiga labaad ee wadahadalka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo Carabey ayaa midba goonidiisa ugu dhawaaqay inuu kan kale ka qaaday xilkii intii ay socotay ololihii ka socday Cadaado oo ay Sababta u aheyd go’aankii uu Xaaf ka qaatay Khilaafka u dhaxeeyo Dowladaha Khaliijka.

Labadaan Mas’uul ayaa Maanta u dhoofay Dalka Jabuuti halkaas oo la filayo inu lagu soo dhameeyo Khilaafka waqtiga badan qaatay ee u dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Sida ay Wararka hoose sheegayaan Xaaf iyo Carabey waxaa dhawaan heshiisiiyey Madaxweyne Farmaajo inkastoo aan si rasmi ah Saxaafadda loola wadaagin Qodobada lagu heshiiyey.

Haddaba Halkaan hoose ka daawo Sawirada