Koonfur Galbeed: Saddex sano kaddib “Isbeddel ya fadaanee”

Munaasabad loogu yeeray xuska 3; guurada Asaaska Koofurgalbeed, hayeeshee u muuqatay mid lagu kar-jebinayey nux-nuxda  xildhibaano iyo siyaasiyiin kala heerar duwan oo ka socota Baydhaba; ayaa ka dhacday dhowaan dhismaha Madaxtooyada KGS.

Waxa lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado u eg kuwii Kacaanka oo lagula hadlayey dad aan magacooda la xusin balse ficilada iyo howlaha ay hayaan lagu sheegay kuwo looga horjeedo KGS, waxaana sida aan ka fahmay heesaha iyo masraxiyaddaba  loo danlahaa xildhibaano iyo Siyaasiyiin wada olole ka dhan madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan ama Aw-Shariif, sida suugaanta saddex-guurada loogu yeerayey,  heesaha waxa kamid ahaa heesta “Awshariifow Annagaa ku dooranay”  iyo hees kale oo lagu dhalliilayey hal-hayska Isbeddel fadaanee! Oo malaha hal-qabsi u ah siyaasiyiinta wada Ololaha, kuwas oo sugi la’ muddada ka hartay xilka madaxtinimada madaxweyne Shariif  Xasan Sheekh Aadan, waxa ay billaabatay kaddib salaadda Maqrib; waxa ayna dhammaatay labada habeennimo ama siddeed saac, waxa ka hadlay xildhibaano heer federal iyo heer gobol ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula jiraan hoggaanka KGS, balse waxa jiray xildhibanao labadaas heer kala ah oo aan ka qaybgelin munaasabadda kuwaas oo Baydhaba  joogay, qaarkood oo aan arkay waxa ay ii sheegeen in madaxweyne Shariif ; uu soo hormariyey ololihiisa doorashada ee xilliga labaad, sidaas awgeedna aanay arkin saddex guurada wax weyn oo ay ka qabgalaan, waxa ii sheegeen in 17-ka November; ay tahay maalinkii la doortay madaxweynaha balse aanay ahayn maalinkii la aas-aasay maamulka KGS.

Waxa ka qayblay madax uu kamid ahaa madaxweynaha Hirshabeelle iyo wakiil ka socday Galmudug, kuwaas oo intooda badan ku dhiirrigeliyey dadka joogay munaasabadda in ay taageeraan hoggaanka madaxweyne Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

Marka uu Shariif  Xasan ka maqan yahay Baydhaba; waxa kaca hugunka iyo soo jeedinta mooshin dhan ah madaxweynaha, balse waxa ay shiiqaan oo ay u muuqadaan in ay meeshaba ka bexeen marka uu joogo, sidaas waxa ii sheegay Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin kala duwan oo aan la kulmay intii aan joogay Baydhaba.

Taasna waxa ay ii muujisay in madaxweyne Shariif Xasan; uu kamid yahay madaxda aan Xilka iyo Xollaha wada raadin halmar, ee marka ay mid hayaan kan kale ku illaaliya, taas oo ah dhaqanka madaxda hesha waqti dheer oo ay wax ku xukumaan, taasi kama dhigna in xukunkoodu toosan yahay balse waa in ay xilkooda ku waardiyeeyaan xoolaha iyo hantida soo gasha.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in ay munaasabadda ay ka qaybgaleen Wasiirkii gaashaandhigga ee iska casilay xilka iyo Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee golaha xukuumadda  xilka ka Qaaday, taas oo inyar muujisay jiritaanka is xulufeysi billow ah, kaas oo ka soo unkamay golaha dowladgoboleedyada, ayna kua soo muuqan doonaan madaxda sida qaabdarrada ah xilka looga qaado ee dowladda dhexe iyo kuwa laga masaafuriyo dowladgoboleedyada iyada oo lagu haysto in ay ka horyimaadeen madaxda.

intii aan joogay Baydhaba; waxa aan warbaahinta ka maqlay xildhibaano kamid ah KGS; oo sheegaya in ay ka laabteen sii waddidda mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano heer federal ah iyo kuwo heer dowlad goboleed ah ayaa iska kaashanaya sidii loo kicin lahaa hugun siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay soo oogidda mooshin ka dhan ah Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

Mucaaradku waxa ay u arkaan in aanay jirin wax loo dabbaaldego oo 3; sano kaddib ka muuqda magaalooyinka iyo degmooyinka KGS, iyaga oo dhismayaasha madaxtooyada Baydhaba iyo Baraawe, Hirgelinta Telefeshinka iyo Raadiyaha KGS; iyo wixii la halmaala u arka xoog iyo xoolo kaalmo ah oo ay bixiyeen kana shaqeeyeen hay’ado iyo deeqbixiyeyaal caalami ah.

Balse Shariif  Xasan Sheekh Aadan; oo weli rogrogi kara siyaasadda iyo qaab-dhismeedkeeda ayaa dooddda mucaaradka ku furay hir xoog badan oo loo adeegsaday warbaahinta iyo Fanka, kuwaas oo gaaray heer ay ku heesaan Aabe Shariifow adigaan ku aaminay.

Fursad kale oo  u muuqatay in kubadda uu laaday Shariif  Xasan  ay gashay shabaqa ayaa ah in Wasiirk koowaad ee xukuumaddu uu tagay Baydhabo; kaddibna uu ka qaybgalo furitaanka jaamacad loogu magacdaray isaga, hadalna ka jeediyo habeenkii xigay munaasabad ka dhacday isla meeshii ay ka dhacday munaasbaddii xuska saddex-guurada KGS.

Inkasta oo aanan hubin in ay sax tahay haddana raisalwasaare Kheyre ayaa ka sheegay munaasabadaas in xukuumadda Soomaaliya shaqo uu abuurtay muddada ay jirto 5000; oo qof, ayna dhammaadka sanadkan u abuuri doonto 20,000 oo qof  shaqo ay ku noolaadaan.

Dhinaca Nabadgelyada Baydhaba; waa nabad marka aad dhex-joogto, balse daafaheeda si sahal ah looguma dhiirran karo in lagu safro ama loo daneysto, sababtuna waa in aanay ku jirin gacanta KGS iyo ciidanka Amisom ee jooga gobolka, raisalwasaaraha ayaa ka sheegay Baydhaba in ay qabanayaan 2; arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah furitaanka jidak isku xra Xamar iyo Baydhaba, sidaas oo kalana in xukuumaddu ku caawineyso madaxweynaha KGS, sidii uu ugu guurii lahaa madaxtooyada KGS ee Baraawe.

Labadaas arrimood iyo kuwa ammaanka la xiriira ee haysta KGS waxa ay hirgeli karaan oo keli ah marka ay xaqiiqo noqoto in siyaasiyiinta wada ololaha “Isbeddel ya Fadaanee” iyo madaxweyne shariif  Xasan; ay ka gudboon is haysiga gudaha iyo adeegsiga warbaahin hal-dhinac ku hadli karaan dhinaca kalana u taqaan dad bilaa macne ah.

W/Q: Axmed Ciise Guutaale