Sheekh Shaakir oo wax badan kashifay “Waxaa jiro dad diidan inaan midowno aniga iyo Xaaf”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee hlusuna Waljamaaca ayaa ka hadlay wadahadalo socda oo lagu dhex dhexaadinayo isaga iyaga iyo Maamulka Galmuudg.

Waxa uu sheegay in waqtigan uusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Madaxweyne Xaaf balse ay jiraan dad sii kala fogeynaya.

“Xaqiiqdii aniga Xaaf majiraan dagaal naga dhaxeeya balse waxaa jira dd nasii kala fogeynaya kuwaas oo markasta sheegaya in uu khilaaf naga dhaxeeyo waa kuwaas kuwa diidan ina an mudowno,Bulshadana waxaa laga rabaa in ay intaas garato ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir”

‘’ Waxa ogtihiin marwalbo waa nala dacaayadeyaa wax walba waa nagala shegaa laakiin dadka ma oga xaqiiqda jirta marwalbo oo nalo yeero ama Gobalada dhexe nagula yimaado inaga waxa dhaheynay idiinka aya wakiil inaga ah hadana warar been abuur ah ayaa nagala baahiyaa, ayuu yiri Madaxweyne Sheikh Shaakir” ayuu mar kale yiri.

Sikastaba waxaa la filaya in dhawan dalka Jabuuti ay tagaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee Sheekh Shaakir si halkaasi wadahadalo uga furmaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com