Banaanbax dhiig ku daatay oo ka socdo Muqdisho iyo ciidamada DF oo dhul boob wada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad ka careysan dhul la burburinayo ayaa banaanbaxa ka dhigaya Xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir,waxaana ay isku dhac dhexmaray Ciidamada halkaas bur burka ka wada ku dhaawacmay dhowr qof.

Rabshadahan ayaa billawday kaddib markii Ciidamada dowladd ay bur birin ka billaabeen Xaafado ku yaalla degaankaas oo ilaa shalay ay bur burinta ka socotay.

Dadka degaanka ayaa Ciidamada ku eedeynaya in Ganacsato ay gadaal ka riixayaan bur birinta Ciidamada dowladda ka wadaan xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir.

Banaanbaxayaasha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in uu wax ka qabto Ciidamada ka socda dowladda ee xaafadahooda bur burinta ku haya iyaga oo tuhmaya in Ganacsato ka dambeyso.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in wax ka yar lix saacadood loo qabtay islamarkaana lagu amray in ay guuraan ama guryaha laga duminayo,waxaana ay sheegeen in aysan taas qaadan karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com