Maxaa kusoo kordhay qorshaha uu Waare ku magacaabayo golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha la doonaayo in Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu kusoo dhisaayo Gole Wasiiro oo dhameystiran.

Hogaamiye Waare oo laga doonaayo Wasiiro ay ka kooban yihiin beelaha dega deegaanada uu maamulkiisa ka arimiyo, ayaa iminka ku howlan wadatashi kii ugu danbeeyay.

Hogaamiye Waare ayaa wadatashiga xoogiisa isugu geeyay Xildhibaanada, Odayaasha iyo Bulshada qeybahooda kale, waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucaani uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Siyaasiyiin ku dhow dhow madaxtooyada Jowhar ayaa sheegay, in Hogaamiye Waare uu hadda bilaabay wadatashigii ugu danbeeyay, waxa uuna iminka kulamo aan kala joogsi laheyn la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugala tashado wasiirada uu soo magacaabi doono.

Siyaasiga aan xogtaani la wadaagnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in magaalada Jowhar ay ku qulqulayaan Siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle.

Geesta kale, waxaa maalmahaan jiray khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Hogaamiye Waare iyo Xildhibaanada Hirshabelle, kaasi oo ku aadanaa hanaanka loo soo magacaabayo wasiirada, balse ugu dambeyn is faham laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com