Prof. Axmed Samatar maxuu qabyaaladda Muqdisho ku nacay tan Hargaysa-na ku jeclaaday?

Muddo laga jooga shan sano waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay doorashadii madaxweynaha dawladda Federaalka oo ay ka qayb galeen musharaxeen uu ka dhex muuqday nin ay Soomaalidu ku baratay ka hadalka midnimada , wadajirka iyo falanqaynta muhimadda ay leedahay in dalkii Soomaliyeed dib dhidibadiisa loogu taago. Ninkaasi waa Dr. Ahmed Samatar, oo ka mid ahaa mudanayaaashii habka qabiilka ah lagu soo xulay ee dooranayay madaxweynahii hogaamin lahaa dalka ay daashadeen colaadaha iyo abaaraha xaalufiyay dad, dal iyo duunyaba. Haddaba waxaa dhamaatay doorashadii madaxweynaha,  waxaana ku guulaystay mudane Xasan Sh. Maxamuud oo helay cododkii ugu badnaa ee doorashada ay codeeyeen xildhibaandii Baaarlamaanka.

Iyadooba ay xafladdii caleemasaarka madaxweynaha  qoyan tahay waxaa Hargaysa ka degay Dr. Axmed Samatar oo aad uga cadhooday guuldaradii ka raacday doorashadii iyo tartankii kursiga mdaxweynaha. Professor-ka ayaaa isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo in sababta uu uga quustay Soomali weyn ay tahay in labo qabiil loo afduubay kursiga madaxweynaha Soomaliya. Waxuu intaa ku daray in markaan u soo jeestay in uu dalkiisa Somaliland u shaqeeyo uuna mar danbe laga maqli doonin arrin ku saabsan Soomaliya.  Hadalada Professor-ka waxaa ka muuqatay fudayd, nacayb, quudhsi, cay iyo cadho badan oo uu kula dul dhacay waxa uu ugu yeedhay Koonfurta Soomaliya iyo Muqdisho.

Waxaase dad badan oo waxgarad Soomaliyeed ah la yabeen in Professor-ku uu san sheegin runt aka danbaysa u digasho rogashadiisa Hargaysa iyo kala goynta midowgii Soomaliya oo sanooyin badan uu ku heesayay. Hadiii arrintu tahay qabyaalad, miyaanu Dr. Axmed laftiisa kursigii Baarlamanka ku soo gelin habka 4.5 ee wax lagu qaybsanayay. Miyaanu ogayn  in heshiis lagu ahaa in seddexda kursi ee ugu sareeya dalka loo qaybsaday hab qabiil ah oo cid waliba ogayd. Professor-ka  miyuu  isyeeel yeeelayay mise waxa uu ka maquurtay in uu yidhaahdo waxaan danteyda gaarka ah ka dhex arkay magaalda shidan ee Hargaysa.

Waa sanadka 2017 waxaana mar kale soo muuqday Dr. Ahmed Samatar oo dhex boodaya doorashada xisbiyada Somaliland ee s qabyaalddu ay garwadeenka u tahay. Markaan ma aha labo qabiil waxa ay afduuban tahay jagada madaxweynaha ee waa hal qabiil . Cid kalena looma ogola xitaa inay haweysato. Bal aynu wada  eegno hadalkii uu  jeediyay Faysal Cali Waraabe doorashada ka dib “Waxaynu galnay doorasho qabyaaladaysan, aniga cid aan reerkayga ahay oo weliba qaar  la iga kaxaeystay oo ii codaysay ma jirto. Waxaa guulaystaywaa qabiil ka guulaystay qabiil kale, waa Jeegaan waxa guulaystay.”

Haddaba Maxuu maanta ku hadli karaa haddii si xushmad leh aanu u weydiino Professor Axmed Said samatar, Maxaad uga cadhootay oo weliba u caysay qabyaaladii Xamar oo aad u dhexboodi oo weliba u amaani tan Hargaysa?  Jawaabta waynu kaa sugi , haddii aad weydo jawaab lagu qanci karo fadlan raali geli dadkii faraha badnaa ee aad ku gaftay ee aad ka dhigtay in qabyaaladda iyo eexdo ay gaar u tahay reer koonfureedka.

Waxaan leenahay Professor-ka iyo dadka la midka ah ee uu arka kuna dooda  in Somaliland dimoqraadiyad ka hana qaaday oo qabyaaalad ka gudabtay bal dib u eega doorashadii dhacday November 13-keedi iyo sida qabyaaladdu ugu milantay min bilow ilaa dhamaad. Waa hawl Soomaali u wada taal sidii aynu uga gudbi lahay qabyaaladan ragaadisay noloshii iyo horumarkii Soomali meel ay joogtaba.

W/Q: Yuuusf A Geelle

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid