Sawirro qurxoon: Xeebta Batalaale oo dhowr sano kadib lasoo baxday bilic indhaha uroon

Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo dalka uu leeyahay Xeebo dhowr ah hadana Xeebta Batalaale ee magaalada Berbera ayaa ka taariikh badan Xeebaha kale ee uu dalku leeyahay.

Xeebta Batalaale, ayaa ah mid ku haboon dalxiiska waxaana si joogta ah halkaa ugu dalxiistaga boqolaal ruux oo kasoo baqoola dalka dibadiisa.

Dadka u dalxiistaga Xeebta Batalaale ayaa waxaa kamid ah Ajaaniibta booqashada iyo howlaha Ganacsi u taga magaalada Berbera, waxaana xusid mudan in kheyraadka laga gurto Xeebtaasi ay ku tiiran yihiin qoysasbadan.

Xeebta Batalaale ayaa ka mid ah meelaha taariikhda weyn ku leh dhulkeena Somalia, waxaana si xooli ah uga socda dhaqdhaqaaq Ganacsi dhanka kaluumeysiga ah.

Dadka ugu badan ee u shaqataga Xeebtaan ayaa waxaa u badan Haween waana xeeb inta badan degan isla markaana ka caajisan dhibaatooyinka.

Xiliyada qaar ayaa waxaa u jilitaan taga Xeebta Fannaaniin dhalinyaro ah kuwaa oo ku qaada Heesaha iyo isla markaana ku jila masrixiyadaha.