Dadkii ay soo masaafurisay Jubaland ee ay dib u celisay DF oo dalbaday badbaado

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii Shalay laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose islamarkaana ay dib u celisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dowladda ay dib uga laabato go’aankaasi.

Dadkaan oo la soo xiriiray Caasiamda Online, ayaa sheegay in ay wajahayaan cadaadis xoog leh islamarkaana ay soo wajahday cabsi ammaan.

“Waxaan dareemeynaa cabsi xoog leh waana noola hanjabayaa, qaarkeen waxay wajahayaan jirdil iyo xadgudubyo kale, DF-ka waxaan ka codsaneynaa in aysan nagu sii heynin dhibkaan oo ay noo fasaxdo Muqdisho” ayuu yiri qof qariyay magaciisa oo ka tirsan dadkii shalay laga celiyay garoonka Muqdisho.

“Annaga maamulkaan waan ka filaneynay tacadiyo laakiin waxaa layaab noqotay dowladii aan ka sugaynay naxariis iyo badbaado ee nagu soo celisay meel aan qof ku noolaan karin” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay ee ka tirsan dad shalay laga soo masaafuriyay Kismaayo.

Dadkaan ayaa u badan Xildhibaano ka tirsan Golaha Isbadal doonka Jubbaland iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah kuwaas oo ka soo hor jeeday maamulka Jubbaland, gaar ahaan hogaanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com