CC SHAKUUR: “Somaliland wax loo reebtay ma lahan”

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay waxyaabaha hor-taagan inay dib u furmaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowlada federaalku ay sabab u tahay hakadka ku yimid wada-hadaladaasi, isla markaana ay sameysay waxkasta oo ay ku sii fogeyn karto Somaliland, midaasi oo ku sheegay inay lumisay suurta-galnimadii ay dib ugu furmi lahaayen wada-hadaladaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Horn Cable ayaa waxa kale oo uu si adag u dhaliilay maamulka Farmaajo, kaasi oo uu ku tilmaamay mid fidno ka kicinaya Somaliland, isagoona xusay inay sii lumineyso nidaamkii faderaalka.

Cabdiraxmaan ayaa weliba si gaar ah Farmaajo ugu dhaliilay sawir uu dhowaan la soo galay Kornayl Tuke, kaasi oo loo haystay inuu deegaanada Somaliland ka geystay dambiyo ka dhana bini-aadanimada.

“Somaliland wax loo reebtay malahan, anigu waxaan ahay dadkii u horeeyay ee ka qeyliyay, waxaa laga joojiyay mucaawinadii oo la yiri ha la soo marsiiyo halkaan, oo markii hore qaab ka duwan mucaawinada loo siin jirey” ayuu yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuuna intaas kusii daray “Fidno ayaa dhexdeeda inta la abaabulay laga soo kiciyay, oo dad intay dowladda ka tageen deegaanadaasi fidno ka soo kiciyay. Waxkasta oo Somaliland ku sii fogaan kartana waa la sameeyay”.

“Qof loo haysto inuu ku xad-gudbay muwaadiniin deegaankaasi Somaliland ka soo jeeda oo maxkamado Mareykanka ka dacweeyeen ayuu Madaxweynihii isla sawiray oo uu weliba soo garab istaagay”.

Siyaasi Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda federaalku ay marba marka kasii dambeysa ay qaadeyso talaabooyin ka dhana Somaliland, midaasi oo uu sheegay inay god madow ku sii rideyso wada-hadalada labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa