25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dadkii Gaalkacyo ku dilay dadkii Koonfur Galbeed ka soo jeeday oo la qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dilkii loogu geystey Magaalada Gaalkacyo 13 ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystey illaa 13 ruux  oo xoogsato la qabtay caddaaladana la horgeyn doono.

“Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad weyraxsan kadib markii maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka soomaaliga ah ee BBCda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la marsiin doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka codsaday Maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada Galmudug.

Illaa 13 ruux oo ka soo kala jeeda deegaanad Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu diley xalay magaalada Gaalkacyo iyagoo dadkaasi la sheegay inay ahaayeen dad xoogsato ah oo laga soo saaray guryo ay ka degenaayeen magaalada Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka dhageyso War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf, sidoo kalana hoos ka akhriso isagoo qoraal ah

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

- Advertisement -

Read more

Local News